Aleen Books is a community bookstore that committed to offering a quality and affordable books, educational and stationary materials as well as publishing books and making portable bookshelves.
Ninkii Baabila ugu Hantida Badnaa waa buug ku salaysan aqoonta dhaqaalaha ee reer Baabila ay lahaayeen kumanaan kun oo gu' ka hor. Waa buug lagu saleeyey sidii reer Baabila dhaqaalaha u abuuri jireen iyo sidii ay ku noqdeeen hantiilayaal. Ha ku salaysnaado Sheekooyin iyo dad xilligaas ah balse waa mid ka mid ah buugaagta adduunka laga akhristo dhanka dhaqaalaha iyo hanti abuurista kuwo ugu heerka sarreeya kana hadlaya dhabta dhaqaalaha lagu samayn karayo maanta. Waa buug hage fiican u noqon karaya cid kasta oo akhrisata. Waxa aan rumaysanahay aragti ah in haddii la doonayo in bulshadeennu noqoto mid hormarsan in ay lagama maarmaan tahay in ay wax akhriyaan. Waxaa lagama maarmaan ah in aqoonta adduunka taalla lagu helo afkeenna hooyo. Waxa aan jeclaystay in aan horseed u noqdo nuqul guurinta aqoonta adduunka taalla iyo in buug kasta oo waxtar u yeelanaya bulshada lagu tarjumo afka Soomaaliga illaa aynu ka gaarno heer aqoonta aynu innagu qornay ay innagu filnaato. Waxa labaad ee aan buuggaan kula wadaagayo bulshada waa in uu ka koo- banyahay in ka badan soddon iyo siddeed kun oo eray oo afka Ingiriiska ku qornaa balse aan u rogay afka Soomaaliga. Ma dhamma labaatan eray inta buuggaan ku qoran ee ah ereyo af qalaad, dhammaan waxa aan ku qoray ereyo Afsoomaali la sukullay oo laga ilaaliyey wax ereyo af qalaad ah. Taasi waxa ay ku tusin hodannimada afkeenna hooyo. Waxa aan jeclahay in buuggaagta dambe ee aan qoro ama tarjumo aysan yeelan doonin hal eray oo af qalaad ah. Wax akhri oo aqoon kororso. Afkeennu waa hodane adigu se u hiili.Dr. Jaamac Sahal
Explore more books that align with your interests.
Our curated selection of related books is based on similar categories