Aleen Books is a community bookstore that committed to offering a quality and affordable books, educational and stationary materials as well as publishing books and making portable bookshelves.
Buuggan Danjire Koongo waa buug ka hadlaya Taariikh-nololeedka Danjire Cabdillaahi Aadan Axmed (Koongo) iyo sooyaalkiisii Dublamaasiyadeed. Cabdillaahi wuxu ahaa soomaaligii ugu horreeyay ee ka soo baxa Jaamacad Millatari, sidoo kalena waa sarkaalkii ugu horreeyay ee soomaali ah oo kamid noqda saraakiishii Ingiriiska ahaa ee Goroyo Cawl haystay isaga oo laba xidigle ah. Cabdillaahi Aadan Axmed (Koongo) wuxu kamid ahaa Saraakiishii ugu muhiimsana ee sameeyay Afgambigii dhicisoobay 1961. Markii uu ka fashilmay dhibtii ay kale kulmeen fashilkiisana uu maray wuxu noqday dublamaasi firfircoon. Cabdillaahi waa dublamaasigii u orday in uu soomaalida ku daro Ururka Jaamacadda dawladaha Carabta kuna guulaystay, sababta keentay waxa aad ugu tagaysa buugga dhexdiisa. Cabdillaahi Aadan Axmed (Koongo) wuxu safka hore ka galay dublomaasiyiinta Jaamacadda dawladaha Carabta, waxa aanu kamid noqday xubnihii ugu muhiimsana muddo 22 sano ah.
Explore more books that align with your interests.
Our curated selection of related books is based on similar categories